Khudbada Gudoomiye-Kuxigeenka Ee Shirka Caymiska Gaadiidka

  Khudbada Gudoomiye-Kuxigeenka Ee Shirka Caymiska Gaadiidka.

Anigoo ah Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga Qaranka, Waxan halkan uga mahadcelinayaa Gudoonka Hay’adda Caymiska Qaranka iyo shaqaale-weynahood ee soo agaasimay shirkan muhiim u ah hirgalinta maamul-wanaaga. Sida uu na farayo Xeerka 
Komishanka Maamul-wanaagu, Xeer Lr 58/2012, qodobkiisa 6aad, 
Komishankani waxa uu awood u leeyahay inuu hubiyo oo hirgaliyo qorshe-hawleedyadda Hay’addaha dawladda. Si taas loo helono, waxaanu maanta goob-joog ka nahay daafurka Qorshaha Caymiska Gaadiidkaoo runtii aanu u aragno mid muhiim u ah badqabka dadka iyo gaadiidkaba,aanan u baahanay inuu inoo hirgalo. 

Mudaneyaal iyo Marwooyin, dalkeenu uu horumarayaa, waxaana markhaati inoo ah munaasibadan aan maanta ku shaacinayno daahfurka barnaamijka Caymiska Gaadiidka. Haddaba, si aanu hirgalino shuruucda iyo qawaaniinta ku tacaluqa arimaha caymisku, u baahanahay inaan ku dabacqo mabaadiida maamul-wanaaga oo budhig u ah guusha dhamaan hawl-qabadyadda hay’addaha qaranka.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, sida aan ka akhriyey daraasad ay Jaamacada Hargeisa, gaar ahaan Machadka Nabada iyo Xalinta 
khilaafaadku uu ka sameeyey xaaladda shilalka Gaadiidka dalkeena Sannadkii 2021, runtii waa mid aad iyo aad walaaceeda u leh ookeentay dhimasho iyo dhaawac iskugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeedba. Waxaanay shilalka gaadiidku mar walba inagu keenaan 
xaaladdo aan loo adkaysan karayn, hase ahaatee u baahan in xukuumad ahaan iyo shacbi ahaanba la isku tashado sidii wax looga qaban-lahaa shilalka gaadiidka ee dadkeenu ku dhamaadeen. In aan waxqabadno waxa kow ka ah munaasibadan aan joogno maanta ee 
aan ku daahfurayno barnaamijka iyo Qorshaha Caymiska gaadiidka ee ay gadh-wadeenka ka tahay hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland. 

Mudaneyaal iyo Marwooyin,Maamul-wanaaggu waa habka lagu cabbiro sida hay’adaha dawliga ah u maamulaan hawlaha guud iyo maamulida hantida guud iyo dammaanad qaadka xaqiijinta xuquuqul insaanka si dhab 
ah oo ka fog ku-takri-falka iyo musuq-maasuqa iyo ilaalinta sharciga. Sidaa darteed, Komishanka Maamul-wanaaga Qaranku wuxuu ahmiyad weyn siinayaa barnaamijyadda noocan oo kale ah, isagoo garab-taagan 
hay’adda walba oo dawladeed oo diyaar u ah inay sharciga ay u aasaasan tahay fuliso. 
Haddaba, anagoo raacayna xeerka Komishanka Maamul-wanaaga, waxaan 
sannadkan kor-uqaadi doonaan banyaalnimada iyo isla-xisaabtanka 
hawlaha qaranka, iyadoo Komishanka Maamul-wanaagu uu soo-saari 
doono sannadkan rubuciisa hore marka uu dhamaado, warbixin dhamaystiran oo tilmaamaysa inta hay’addo/Wasaaraddo dawladeed ee leh qorshe-hawleed ay u diyaarsadeen sannadkan 2022, una soo gubiyey Komishanka Maamul-wanaaga iyo kuwa aan lahayn qorshe-hawleed. 

Ugu dambayn, Waxaan boogaadinayaa hay’adda Caymiska qaranka, waxan sidoo 
kalena aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, 
Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay balan-qaadyadiisii ka mid ahayd inuu aasaaso 
hay’add dawladeed oo ka hawl-gasha arimaha Caymiska dalkeena taas oo maanta 
inoo midho-dhashay. 

Allaa Mahad Leh
Prof, Axmed Xassan Ibraahim, Gudoomiye-Kuxigeenka KMW