
Kalfadhiga Xubnaha Komishanka Maamul Wanaaga oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha
Kalfadhiga Xubnaha Komishanka Maamul Wanaaga oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○○
Hargeysa (KMW) 30/06/2024: Kalfadhigii Xubnaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Komishanka Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, ayaa saaka ka furmay xafiiska Gudoomiyaha.
Kulanka oo diiradda lagu saaray dardar galinta Shaqada Komishanka. Waxaana halkaas lagu falanqeeyay qodobada kulanka iyo sidii mid walba loo lafaguri lahaa.
1. Xogsiinta Habraacyada, xeerarka, Siyaasaddaha iyo Hagayaasha uu Komishanka ku guto Waajibaadkiisa.
2. Dardar Galinta Shaqadda ee Qorshe hawleedka Komishanka iyo Fulintiisa.
3. Dhamaystirka wax ka bedelka iyo Kaabista Qabyo Qoraalka Xeerka Komishanka.
Guud ahaan dood iyo falanqayn dheer ka dib waxa ay xubuhu qodob kasta gaarkiisa u dul istaageen iyada oo guud ahaan kulanku ku soo afmeermay in shaqada la dardargaliyo.
Allah Mahad Leh
"Xafiiska Wacyigalinta &Xidhiidka Dadwaynaha Ee Komishanka Maamul Wanaaga JSl"