Gudoomiye-kuxigeenka Komishanka Maamul-wanaaga, Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa maanta ka Qaybgalay munaasibad lagu dhiirigalinayey Shaqaalaha   Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta. Gudoomiye-kuxigeenka ayaa ku amaanay masuuliyiinta Wasaaradda Ee gartay inay abaal-mariyaan Shaqaalahooda, waxaanu xusay in  Komishanka Maamul-wanaagu Aaminsan yahay in  Horumarka maamulka dawladda  lagu gaadhi karo iyadoo la tayeeyo Shaqaalaha  Dawladda.