
Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga oo ka qaybgalay Munaasibada Qalinjabinta Tababaradda Gaagaaban Ee Machadka Shaqaalaha Dawladda.
Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga JSL, Mudane Dayib Aden Xaaji Cali ayaa Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda kala qaybgalay munaasibad ay u qabteen Qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda oo dhamaystay koorsoonyin gaagaaban oo socday muddo sadex bilood ah. Korsooyinkaas waxa dhamaystay 10 wasaaraddood iyo 8 Hay’addood.Gudoomiyaha oo munaasibadan ka hadlay ayaa u hambalyeey shaqaalaha kala qalinjabiyey iyo machadka Tababarka shaqaalaha Dawladda. Gudoomiyuhu wuxuu si gaar ah ugu hambalyeey 36 qof Ee Bartay Xirfada Diyaarinta Qorshe-hawleedyadda Hay’addaha dawladda, isgoo sheegay in hawsha noocan ah ay aad u taageerayaan maadama oo uu Komishanka Maamul-wanaagu u xil-saaran yahay hubinta Hirgalinta Qorsheyaasha Hay’addaha Dawladda.
Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray inay Warbixinta waxqabadka Komishanka oo taabanaya sida qorsheyaashii Hay’addaha Dawladdu u hirgaliyeen 2020. Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay dhaqaale badani kaga boxo kharashka dawladda arimaha tababaradda iyo Imtixaanaadka, waxaanu xusay inay La xisaabtami doonaan hay’addaha dawladda.
Ugu dambayntiina wuxuu hambalyo gaar ah u diray Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Cabdirashiid Muuse Ismaaciil iyo Hoodo Maxamuud Ismaaciil, Madaxa Aarkiiyadda, kana mid ahaa shaqaalaha maanta ka qalinjabiyey Machadka Shaqaalaha Dawladda, kana tirsan Shaqaalaha Komishanka Maamul-wanaaga.
Allaa Mahad leh