Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Mr. Dayib Aadan Cali oo bishani December, 2021 safaro kormeera ku marayey Gobolada dalka

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga Mr. Dayib Aadan Cali oo bishani December, 2021 safaro kormeera ku marayey Gobolada dalka kuwaasi oo uu ugu kuur galayey, Daadejinta Miisaaniyada,Qorsheyaasha Heer Gobal iyo nidaamka maamul ee Hayadaha Dawlada ee Heer Gobal, ayaa maanta kulamadaasi ku soo gunaanaday kulan uu saaka xafiiska Gudoomiyaha Gobalka Awdal kula yeeshay Gudoomiye Xigeenka ahna ku simaha Gudoomiyaha Gobalka, Xoghayaha iyo Isku-duweyaasha Gobalka. Waxaanu Gudoomiyuhu la yeeshay kulan is xogwaraysiya isku duweyaasha Gobalka, waxaanu Mr. Dayib ama Gudoomiyaha Maamul-wanaagu halkaasi kula falan qeeyey Maamul toosinta Hayadaha Heer Gobal u baahan yihiin, baahiyaadka tabarada Maamulwanaaga iyo dhamaan arimaha Miisaaniyada, qorsheyaasha, Maamuldaadejinta iyo tababarada. Kulankani ayaa is af garad ku soo dhamaaday. Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale soo soo kor meeray wadooyin Magaalada Boorama laga banaynayey ama kormeerka wadooyinka Master planka , halkaasi oo Gudoomiyuhu Warbixin kaga dhagaystay isku duwaha Wasaarada Hawlaha Guud oo hawsha halkaasi ka waday. Safaradii uu Komishanku ku marayey Gobolada ayaa guula kushoo dhamaaday. Sanada 2022 Komisha Maamul-wanaaga ayaa maamul toosinta Hayadaha Heer Gobol u baahan yihiin u samayn doona, hadii Eebe Saamaxo.