Gudomiyaha komishanka Maamul-Wanaaga Oo Sugan Gobolka Tog-Dheer

 
 Gudoomiyaha Komishanka Maamulwanaaga Mr Dayib Adan X. Cali iyo Komishaner Ahmed xasan  ayaa saaka xafiiskiisa kulan kula yeeshey   Gudoomiyaha Gobalka  Togdheer, Wasiir  ku xigeenka Wasaarada Macdanta iyo isku duweyaasha Gobalka togdheer. Badhasaabka ayaa soo dhawayn kadib xog waran ka siiyey Gudoomiyaha xaalada Gobalka Togdheer. Halka isuduweyaasha Gobalkana Komishanku uu la yeeshay xog waran. Isu duweyaasha ayaa halkaasi kaga warbixiyey Waxyaabaha u qabsoomay iyo caqabaha ku xeeran. Komishanku wuxuu xooga ku saaran kulankani uu la yeeshay Isuduweyaasha daadejinta miisaaniyada, Maamuldaadejinta iyo qiimaynta tababarada ay u baahan yihiin Hayadaha Dawlada ee heer Gobal. Komishanka Maamulwanaaga ayaa tababarada ay u baahanyihiin Gobolada uu hawsha shaqo kasoo fuliyey u samayn doona horaanta sanada 2022. Hawlahani shaqo èe Komishanku ugu baxay gobolada beriga ayaa wax badan ka badali doona nidaamka Maamulwanaaga ee hayadaha dawlada ee heer Gobal sanada 2022.