Gudomiyaha KMW Libaan ismaciil Buraale oo kaqayb galay Munaasibad Abaalmarinta Shaqaalaha Hay'adda Barakacayaasha iyo Qoxoontiga.

 “Shaqaaluhu Waa Ruuxda Dhaqaajisa Dawladnimadda”


 Gudoomiyaha komishanka maamul-wanaaga Libaan  ismaciil Buraale oo Ka qayb galay xafladda abaal Marinta shaqaalaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxoontiga, ayaa si faahfaahsan uga waramay doorka Komishanka Maamul Wanaaga ka qaatay in niyada Shaqaalaha la xoojiyo isla markaana abaal marinta shaqaalaha la joogteeyo iyada oo Komishanku Kaashanayo Hay'adda Shaqaalaha Dawlada.
Gunaanadkii Gudoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay Hay'adda Barakacayaasha iyo Qoxoontiga in ay dadaalada shaqo libin laabaan maadaama baaxada shaqada u taalaa ay balaadhan tahay