Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa uu furay tobabar ay iska kaashadeen KMW iyo NYWLO, oo ku saabsanaa ("Good Governance And Leadership “).

Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa uu furay tobabar ay iska kaashadeen KMW iyo NYWLO, oo ku saabsanaa ("Good Governance And Leadership “).
Tababarkan ayaa la siinayey Agaasimayasha iyo Agaasime Ku-Xigeenda Komishanka Maamul Wanaaga.
Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Shaqaalaha tobabarkan uu furmay in tobabarkani uu wax weyn ka tarayo aqoonta xafiiska.
Ugu dambayna waxa uu guddoomiyaha KMW kula dardaarmay in ka soo qayb galayaasha Tobabarkani ay ka faa'idaystaan kuna dabaqaan aqoonta ay ka barteen shaqoodada iyo xafiiskaba si kor loogu qaado Hanaanka Maamul Wanaaga ee Shaqada, waxaanu uga mahad-celiyay NYWLO wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Allah Mahad Leh
Xafiiska Wacyigalinta &Xidhiidhka Dadwaynaha Ee
Komishanka Maamul Wanaaga JSL.