Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 11. 09 .2022.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha, waxaa lagaga wada hadlay wada shaqaynta iyo Dardar-gelinta nidaamka Maamulka Wanaaga (Good Governance)Ka.
Sidoo kale waxaa kulankan lagu falaqeeyey sidii shir ballaadhan loo qaban lahaa, shirkaasoo dib loogu eegayo arimaha Maamul Wanaagga, ayna ka soo qayb gelayaan Hay'adda Dawladda ee ku jira Dalladda ay ku midaysan yihiin hagayaasha Maamul Wanaaga (Governance Sector).
Kulankan waxaa Wasiirka iyo Guddoomiyaha ba ku wehelinayey qayb Ka mid ah Masuuliyiinta wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .