Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . ayaa Ka qayb galay shir ay iskugu yimaadeen Hay’addaha Dawladda ee ka wada shaqeeya Barnaamijyada Garsoorka

26/09/2022- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . ayaa Ka qayb galay shir ay iskugu yimaadeen Hay’addaha Dawladda ee ka wada shaqeeya Barnaamijyada Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Rule of law and security) iyo Dalalka Qaadhaan-Bixiyayaasha ee Midowga Yurub iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaybta ka ah wajiga labaad ee mashruuca.
Shirkan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu tahay in lagu gorfeeyo guulihii iyo caqabadihii ka dhashay wajigii hore oo muddo saddex sanno ah soo socday, waxaanay xeel-dheerayaasha ka kala socda hay’adaha kala duwan ee dawladda, Midowga Yurub iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP ay lafa-guri doonaan arrimaha gundhiga u ahaa guulihii laga gaadhay mashaariicdaa iyo hadday jiraan caqabado ka ratibmay sidii looga gudbay. Geesta kale waxay ku falan-qayn doonaan qorshaha wajiga cusub ee Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Joint Rule of Law Program) waxaanay diiradda ku saari doonaan sida wajiga cusub ee barnaamijku noqon doono, iyagoo qorsheyn doona khariiradda muddadaasi ay barnaamijyadu raaci doonaan.
Guddoomiyaha komishanka Maamul Wanaaga JSL MD. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi waxa uu Ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in muwaadiniinta dalku u fikiraan isla markaana la qaabeeyaan qaadhaan-bixiyayaasha barnaamijyada dalkani u baahan yahay, si ay iskula jaan-qaadaan qorshaha horumarinta Qaranka iyo Barnaamijyadan la xidhiidha Garsoorka, Cadaaladda iyo Amniga (Rule of law and security).
Gabagabadiina waxa uu u mahad-celiyay dalalka Somaliland ka taageera