Dufcadii Afraad Ee Barnaamijka Shaqo-qaran oo maanta Lagu Daahfuray, Gobolka Awdal.

 
 
Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga, mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay wehelinayeen 
Agaasimaha Shaqo Qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka)  iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta laamaha kala duwan ee Dawladda ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dufcadda 4aad ee Barmaamijka Shaqo Qaran.
Munaasibada daahfurka ayaa  ka qabsoontay xarunta gobolka Awdal ee Borama iyadoo halkaa   lagaga dhawaaqay muddada ay soconayso isdiiwaangelinta barnaamijku oo ah 7da February ilaa 20ka February.

Gudoomiyaha  Komishanka Maamul-wanaaga oo munaasibadan hadal jeediyey ayaa xusay in Barnaamijka Shaqo-qaran uu  wax weyn ka badalay nidaamkii shaqaalaysiinta, isla markaana kor u qaaday banyaalnimada iyo in qofku aqoontiisa kaashado. 

 Gudoomiyuhu wuxuu  Agaasimaha Shaqo Qaran   ku bogaadiyey  dadaalada uu ka muujiyey hirgalinta Barnaamijka Shaqo Qaran oo ahaa balan-qaadyadii xukuumadda Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga ayaa sidoo kale,  Barnaamijka Shaqo-Qaran ku tilmaamay mid  meesha ka saaray Niyad-jabka dhalinyaradda ka haystay arimaha shaqada iyo shaqaalaynta, waxaanu hadda  qofkastaa  ku dedaalayaa sidii kartidiisa meel ugu gaadhi lahaa.

ugu dambeyntii Waxa uu Gudoomiyaha KMW UU sheegay in Barnaamijka Shaqo-qaran uu  kor-uqaaday in Xukuumaddu Maamul-wanaag ka muujiso arimaha shaqada iyo shaqaalaysiinta, iyadoo maanta dhalinyaro badani   ka aflaxay barnaamijka Shaqo-Qaran ay si wanaagsan uga hawl-galeen dhamaan xafiisyadda kala duwan ee hay'addaha Dawladda.