Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagga .....

Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagga Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Dawladda Ee Madaxbanaan.
................................................................................
Komishanka Maamul Wanaaga oo sii wada Hawlgalladiisii qiimeynta iyo dersida Nidaamka Maamul Wanaagga ee hay’daha dawladda ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Waxbarashada iyo Sayniska . Kulan kan ayaa ibo fur u ahaa kormeer iyo Baadhis komishanka maamul wanaaggu ku dersayo hanaanka shaqo iyo adeeg bixineed ee wasaaradda Horumarinta Waxbarashada iyo Sayniska. Wasaaraddan ayaa noqonaysa , tii 11aad ee uu komishanku ku samaynayo baadhista iyo qiimaynta hanaankooda adeeg bixineed iyo maamulba.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka KMW.
Md. Axmed Xasan Ibrahim, Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaagga, Cabashooyinka iyo Shuruucda iyo Agaasimaha waaxda wacyigelinta iyo Barashada Maamul Ka Guud ayaa kulankaas qayb ka ahaa.
Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wannaaga JSL ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, maamul iyo adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawladda.
Waxa kale oo Guddoomiyuhu xusay in qiimeyntani ay qayb ka tahay waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayo Komishanka Maamul-wannaagu, sida uu qeexayo qodobka 6-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer Lr 58/2012 ee uu ku aasaasanyahay Komishanku.
Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Waxbarashada iyo Sayniska ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay hirgalin doonaan.
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
Twitter: https://twitter.com/SLNDGGC/status/1564212739882508288...