AGAASIMAHA WAAXDA WACYIGALINTA EE KOMISHANKA MAAMUL-WANAAGA OO KA QAYB-GALAY SHIR KU SAABSAN DEJINTA HABRAACA WADA-XIDHIIDHKA DAWLADDA OO KA FURAY HARGEYSA

Agaasimaha  Waaxda Wacyigalinta Ee Komishanka Maamul-wanaaga, JSL, Mudane, Muuse Cabdilaahi Muxumed  ayaa maanta ka qayb-galay shir lagu gurfaynayey Dejinta Siyaasadda Wacyigalinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland, kuna qabsoomay Huteelka Dhoolayare ee Caasimadda Hargeysa, socona doona muddo laba maalmood ah, waxaana ka soo qaybgalay baddi waaxyaha Wacyigalinta iyo Xidhiidhka dadweynaha Ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda oo dhan. 
Ujeedada guud ee Kulanka ayaa ahayd sidii loo diyaarin lahaa siyaasadda Xidhiidhka Dawladda (Government Communication Policy), taas oo wax-weyn ka tari doonta xoojinta xidhiidha wada-shaqeyneed ee Laamaha dawladda, iyo in la darso sidii si wadajir loogu baahin lahaa xogta dawladda, isla markaana wacyigelinta bulshadu u baahan tahay loo  middeyn lahaa, maadama oo ay Wacyigalintu tahay Xuquuq uu leeyahay qofka muwaadinka ahi, dawladda waxa waajib ku ah inay wacygaliso bulshadeeda si kor loogu qaado wada-shaqaynta Xukuumadda iyo muwaadintiina. 
Kulankaas waxa furay Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Waaxyaha Wacyigalinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee laamaha dawladda u qaabilsan Warbaahinta iyo wacyigalinta kala hadlaan sidii  ay xidhiidh joogto ah ula yeelan lahaayeen Wasaaradda Warfaafinta si  kor loogu qaado tayada Warbaahinta Qaranka Ee baahinaysa wararka, xogaha Wacyigalinta Ee Bulshada lala wadaagayo.  Ugu dambayntiina, Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in aanay sii dayn doono war aanay soo tabin Warbaahinta Dawladdu, badalkeeda balan-qaaday inay  warbaahinta dawladda ka dhigi doonaan mid xoogan oo hawl-kara. 

Allaa Mahad leh
Waaxda Wacyigalinta Ee KMW