
Agaasimaha Guud Ee Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . . Marwo Fadxiya Maxamed Cabdiraxman ayaa ku soo dhawaysay hawl-wadeenada Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo kulan wacyigalin ah uu qabtay Shaqaa
Khamiis: 13/03/2025 HargeisaAgaasimaha Guud Ee Ee Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . . Marwo Fadxiya Maxamed Cabdiraxman ayaa ku soo dhawaysay hawl-wadeenada Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo kulan wacyigalin ah uu qabtay Shaqaalah Waynaha komishanka Maamul wanaaga.
Agaasimaha wacyigalinta iyo Abaabulka ee komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka Mudane, Maxamed X.Yaasiin oo hogaaminayay hawl-wadeenada ayaa shaqaalaha Komishanka Maamul Wanaaga faahfaahin iyo sharraxaad badan ka siiyay siyaabaha kala duwan ee laysugu gudbiyo HIV/AIDS-ka,sidoo kalena waxay shaqaalaha kula dardaarmeen in aan la takoorin dadka muwaadiniinta ah ee la nool HIV/AIDS-ka.
Allah Mahad Leh
"Xafiiska Wacyigalinta &Xidhiidhka Dadwaynaha Ee KMW