Xafiiska Komishanka Maamul Wanaaga JSL Ka qabsoomay kulanka Isla xisaabtanka Shaqada hawl-wadeenada Komishanka.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/09/2022.
Waxa Xafiiska Komishanka Maamul Wanaaga JSL Ka qabsoomay kulanka Isla xisaabtanka Shaqada hawl-wadeenada Komishanka.
Kulankan oo uu guddoominaayay Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga JSl ayaa lagaga wada hadlay dardar galinta Hawlaha komishanka, qorshihii intii Ka hirgashay iyo intii aan Ka hirgalin, caqabadihii soo wajahay iyo dhamaystirka Hawlaha waxqabad ee Ka hadhsan qorshaha sanadkan 2022-ka ee Komishanka Maamul Wanaaga.
Guddoomiyaha, Gudoomiye Ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee KMW ayaa ugu baaqay inay si wada Jira ah u shaqeeyaan hawl-wadeenada iyo shaqaalaha KMW si loo gaadho hirgalinta qorshaha iyo Himilada Komishanka.
Ugu danbayntiina waxa la ansixiyay Hawlaha muhiimka ah ee qorshaha sanadkan Ka hadhsan iyo sidii loo hirgalin lahaa.
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .