Warbixin sanadeedka KMW

Komishanka Maamul Wanaagu waa Komishan qaran oo xukuumadeed oo lagu 
aasaasay Wareegto Madaxweyne oo sumadeedu tahay No: 0048/08/2010, kuna 
taariikhaysan, 26/8/2010. Waxaana Goleyaasha sharci dejintu ku ansixiyeen Xeerka 
Maamul wanaagga Xeer No: 58/2012 sannadkii 2012, iyadoo xeer madaxweyne lagu 
dhaqan galiyey 03/02/2013. Sidaa darteed, Komishanka Maamul-wanaagu waa 
guddi madaxbanaan oo ismaamusha, loona dhisay inay si buuxda masuul uga 
ahaato, abuurida iyo daryeelka dhaqan maamul wanaagsan iyo nidaam dawladeed 
oo ka nadiif ah dhamaan noocyada Maamul-xummadda iyo musuqmaasuqa. 
Aragtida Komishanku, waa xaqiijinta in la helo hay’addo xor ah, awood leh oo aan 
wax la dhuuman oo ay dadwaynuhu la xisaabtami karaan, si waxqabadkoodu u
noqodo mid nidaamsan, kana hufan maamul-xumo, isla markaana ku dhisan sharci 
iyo siyaasado cad oo quman kuwaas oo muwaadiniinta Somaliland fahmi karaan.

Halkan Waxa Laga Helahyaa Warbixin sanadeedka KMW.