Legislations

 Dawlada iyo dadka reer Soomaaliland waxay aqoonsan yihiin in xumaanta musuqu uu wiiqo horumarka bulsheed, dhaqaale iyo siyaasadeeed ee dal kasta: - Iyadoo la tixgelinayo ahmiyada ay leedahay in la abuuro dhaqan maamul wanaagsan iyo ummad ka nadiif ah dhamaan noocyada musuqa: - Markuu arkay: Ka dib markii la arkay in hay’adaha dawlada uu ka dhex jiray musuq heer kasta ah, iskaashiga iyo habsami u shaqayntuna uu aad u liito; Markuu tixgeliyey: Iyadoo la tixgelinayo, in inta badan hay’adaha dawladu aanay lahayn awoodii loo baahnaa iyo shaqo cad oo qeexan oo ay raacaan; Markuu ku qancay : in aanay jirin sabab u diidaysa in hay’adahaasi yeeshaan xeer lagu aasaasayo oo leh awood cad oo qeexan, waxaa lagama maarmaan loo arkay in la aasaaso Komiishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa si ay uga hawl gasho ayna u hagaan shaqadeeda mabaadii laga wada qayb qaadan karo, cad-cad, cadlaad ku dhisan, karti, la xisaabtan iyo saraynta sharciga Markuu arkay:Iyadoo la tixgeliyey fulin la’aanta iyo baal marka siyaasadaha iyo shuruucda xadidan ee ka dhanka ah musuq-maasuqa iyo hab-maamulka toosan. Sidaas darteed si waafaqsan Qoddobka 90aad a (3) iyo Qoddobka 113aad ee Dastuurka Soomaaliland, wuxuu u gudbinayaa Golaha wakiilada xeerkan