
Kulanka Wacyigalinta Hanaanka Cabashada KMW Iyo Aaafada Musuqa
Komishanka Maamul-Wanaagu wuxuu kulan wacyigalin ah ku qabtay Boorama manta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 06/10/2021, kulankaas oo ku saabsanaa ku Wacyigalinya Hanaanka Cabashooyinka KMW Iyo Aafada Musuqa, loona qabtay xarumaha Dawladda ee heer Gobol/Degmo, Ayaa lagu qabtay Hotel Rays Boorama.Kulankaa oo ay ka soo qayb galeen 30 qof oo ah Hawl-Wadeenadda Xafiiska Badhasaabka Gobolka Awdal, Dowlada Heese Ee Boorama, Iyo Qaar Kamida Shaqaalaha Iyo Iskuduweyaasha Xarumaha Dawladda Ee G/D, Boorama.
Waxaa ugu horayn furay kulanka Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Ismaaciil Cilmi halkaas oo uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulanka iyo waxa komishanku uga dan leeyahay. Waxaa sidoo kale ka hadlay Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Maxamed Axmed Caalin, iftiimiyayna aafada musuqu leeyahay sidoo kalena tilmaamay in aanu musuqu kaliya ku koobnayn lacag la lunsudo ee hadii wakhtiga ladayaco ay tahay iyaba musug .
Waxa isna ka hadlay Maayarka Ku-Xigen Boorama Mudane Yasiin Deheeye Omane, oo sheegay samaynta taban ee musuqu yeelan kuna dheeraaday dhibaatada laga dhaxli karo hadii ay tahay mid aduun iyo mid aakhiraba
Waxaa sidoo kele ka qayb qaatay kasoo qayb qalayaasha, halkaas oo casharo iyo su;aalo la isku waydaarsaday ayaa uqabsoomay si fiican, Ugudanbayn Agaasimaha Guud ee KMW uu soo afmeeray kulankaa.