
Kulanka Komishanka Maamul Wanaaga iyo Wasaarada Horumarinta Maaliyada
Komishanka Maamul Wanaaga &Wasaarada Horumarinta Maaliyada ayaa Kulan laba geesood ah maanta ku yeeshay xarunta wasaarada, kulankaas oo daaranaa sidii labada Hay'addood iskaga kaashan lahaayeen Dardargalinta hawlaha ay ka wada shaqayn lahaayeen iyadoo sanadkan hal kudhig laga dhigay "ISLAXISAABTAN &WAXQABAD"(Accountability & Effeciency). Waxaa Iaysla gartay in ay labada Hay'addood yeeshaan kulan Bile-ah oo layskaga kaashanayo arimaha Maamul wanaaga.
Kulankan waxaa labada dhinac kala hogaaminayey Wasiirka wasaarada Horumarinta Maaliyada oo ay weheliyaan Wasiirka kuxigeenka iyo Agaasimaha Guud, halkan Komishanka Maamul wanaaguna wuu hogaaminayey Gudoomiyaha Komishanka oo ay weheliyaan Gudoomiye kuxigeenka iyo Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaaga.
Alla Mahad Leh.