Kulan wadashaqayneed oo dhex maray GGC Iyo Wasaarada isgaadhsiinta

Kumishanka Maamul Wanaaga Iyo Wasaarada Isgaadhsiinta Ayaa Heshiis Is Afgarad Ka Gaadhay WADA Shaqaynta Ay Ku Xoojin Donaan WADA Shaqayn Lagu Hormarinayo E-Governance Kaasi Oo Sahli Doonta in Ay Dhamaan Wasaaraduhu Ay ka Guuraan isticmaalka Waraaqaha Una Guuraan E-Governance.
Heshiskaasi Ayaa Ah mid Socon Doona Mud, Yeelan Doonana Wajiyo kaladanbeeya.
Iyada oo ay Gudi Farsamo Labada Hayadood Ka Koobani Himiladaasi Loo Xilsaaray. 

Gudoomiyaha GGC Dayb Aadan Xaaji Cali. Ayaa Sharaxay Mudnaanta Kalahorida Qaabdhismeedka Heshiiska iyo Hufnaanta Shaqo ee Ay Talaabadani Qaranka U Leedaha, iyo in Ay Si WADA Jir Ah Komishanka Maamul-wanaaga iyo Wasaarada Isgaadhsiinta  Ay uga Go'antahay Miradhalinteedu,,,iyo In Ay Tahay Talaabo Adag. Komishanka  Maamul-wanaagana u Hirgalinaysa Yoolalkeeda Shaaqo.

Geeska Kake Agaasimaha Guud Ee Wasaarada isgaadhsiinta Aamina Xuseen Ayaa Sheegtay In Ay Kaalinteeda iyo Baahiyaha Shaqo ee Ay Qaranka ugu Xilsaarantahay Ay Diyaar U Tahay Wasaaradu  Inay Gudato.