Komishanka Maamul-Wanaaga JSL . ayaa dib ugu celiyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL natiijada qiimeyn iyo daraasayn ay ku sameeyeen Hannnaanka Maamul iyo Shaqo ee Wasaaraddaas .

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 26.10.2022.
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
ayaa dib ugu celiyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL natiijada qiimeyn iyo daraasayn ay ku sameeyeen Hannnaanka Maamul iyo Shaqo ee Wasaaraddaas .
Guddoomiyaha komishanka Maamul Wanaaga JSL Mudane Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi oo uu wehelinaayo Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaaga ee KMW Md.Cabdilaahi Maxamed Bile ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Mudane Dr.Ahmed Buhane .
Intii uu kulanku socday waxa uu guddoomiyaha komishanka Maamul Wanaaga JSL Md Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi uu wasiirka la wadaagay kuna wareejiyay natiijada qiimayn uu komishanka Maamul wanaagu ku sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
Intaasi kadibna Wasiirka WQHQ Dr.Ahmed Buhane ayaa Komishanka ku bogaadiyey shaqada fiican ee ay Qaranka u hayaan, sidoo kalena wasiirku waxaa uu balan qaaday inay fulin doonaan natiijada, Talooyinka iyo Toosinta ku xusan Warbixinta ay ka soo baxday qiimayntani.
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Twitter: https://twitter.com/SLNDGGC/status/1585246017875689472...
Website: https://ggc.govsomaliland.org/