Gudoomiye Xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga oo ka qayb galay Xaflada Abaal marinta Shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada

   
   Gudoomiye Xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga Mr. Axmed Xasan Ibraahim ayaa ka qayb galay Xaflada Abaal marinta Shaqaalaha Wasaarada Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada oo maanta oo ay taariikhdu tahay 6th February, 2022 ka qabsoontay Hoolka Shaqaalaha Dawlada ee Magaalada Hargeisa. Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxa kasoo qayb galay shaqaalahihii la abaalmarinayey oo dhamaa 53 shaqaale ah oo laga soo xulay shaqaale tiradoodu kor u dhaafayso 700 (todoba boqal), Agaasimeyaal Guud, Wasiiro iyo marti sharaf kale. 
 Wasiirka Wasaarada Deegaanka oo halkaasi hadal ka jeedisay ayaa tidhi maanta farxad bay iitahay in aanu halkan ku abaal marino 53-kan shaqaalaha ah, waxaanay tidhi iyaga la’aantood halkan ay maanta Wasaaradu joogto in aanay soo gaadheen, Wasiirka oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi waxa jira shaqaale ka hawl gala meelaha miyiga oo 50 meeyo kiiloo mitir lugeeya oo naftooda halis galiya si ay u ilaaliyaan Deegaanka iyo Khayraadka dalkeena. Waxaanay hambalyo u dirtay inta la abaal mariyey waxaanay kula dardaarantay inta aan nasiibka u helin in ay iyaguna dadaalka halkaasi ka sii libin laabaan.
Halka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qarankuna sheegay in Shaqada Wasaaradani qabataa ku xidhantahay tayada shaqaalaheeda oo Wasaaradii tayada Shaqalaheedu Wanaagsan yahay ay Awood u yeelato fulinta hawolaha Ay Qaranka Ugu xilsaarantahay. 

 kaalintaa Muhiimka ah Ayay Shaqaaluhu  Wasaaradaha Ugu jiraan  Markaan in la hormariyo oo aqoontooda la dhisaa  muhiim bay u tahay Qaranka si aynu u gaadhno Hiigsigeena 2030 ee Qorshaha Hormarinta Qaranka ee Sadexaad, ugu dambayn wuxuu hambalyeeyey Shaqaalaha Abaal marinta la siiyey, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirada Wasaaradaha Diinta, Awqaafta iyo Xidiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka,oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in la abaal mariyo shaqaalaha Waajibaadkooda guta.

Gudoomiye Xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga Mr. Axmed Xasan Ibraahim Ayaa  gudoonsiiyey  shaqaalaha la abaal mariyey islamarkaana halkaasi ka jeediyey qudbad uu ugu talagalay munaasibadan oo dhinacyo badan oo Maamul-wanaaga shaqaalaha ah iyo Maamul-wanaaga guud ee qaranka taabanaysay. Qudbadaasi ayaa u dhacday sidani.

Bacda salaan.
‘Mudaneyaal iyo Marwooyin, aas'aaska Maamulka Deegaanka Wanaagsan waxa lagu gaadhi karaa marka lagu saleeyo Mabaa'diida Maamul-wanaaga oo ay ugu horeeyaan.

 Ka qayb galka Bulshada ee arimaha lagaga hadlayo Deegaanka.

 In shuruucda loo hogaansamo markay timaado Maamulka deegaanku.

 Is'raacsanaan oo macnaheedu yahay in dhinac looga soo wada jeesto ilaalinta deegaanka iyo Khayraadkaba.

 In shaqada Wasaaradu qabanayso noqoto mid daahfuran oo cid waliba arki karto.

 In shaqada loo qabto hab cadaaladi ku dheehan tahay bulshaduna qayb ka tahay.

 Waxtar ama Awood iyo karti in la muujiyo marka shaqada la qabanayo.

 Isla xisaabtan, in uu yimaado oo Wasaaradu shaqaalaheeda kula xisaabtanto shaqada Halka muwaadiniintuna Wasaarada kula xisaabtamaan Waajibaadka iyo Xilka ay Deegaanka Ka hayso.

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Hadaan si kale u dhigo Maamulka Wanaagsani Wuxuu keenaa in lagu maareeyo Deegaanka habab kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaalinta Deegaanka sida ka hortaga seerayaasha Sharci darada ah, la dagaalanka Dhuxusha Geedaha Qoyan laga shido oo deegaankeena faro baas ku haysa iyo waliba ka hortaga dhoofinta ugaadha sharcidarada ah, ugaadhuna waxay ka mid tahay khayraadka ugu muhiimsan ee Wadankeenu leeyahay. Sidoo kale Maamulka Wanaagsani wuxuu keenaa in aynu si nidaamsan oo sharciga Waafaqsan danna u ah Deegaankeena aynu uga faaiidaysano khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena ku jira taasi oo ay ka qayb qaadanayaan Dawlada Dhexe iyo ta Hooseba. 

Mudaneyaal iyo Marwooyin, Waxaan qirayaa in shaqaaluhu yahay cududa uu ku tiirsanyahay hormarka qarankeenu Islamarkaana dhaqaajin karta geedi socodka horumarka. Doorka Komishanka Maamul-wanaagu leeyahay ayay tahay in kor loo qaado aqoonta Shaqaale waynaha Qaranka isla markaana la tayeeyo xirfadahooda kala duwan, lagana warhayo noloshooda, waxan ku talinayaa in la joogteeyo Abaalmarinta shaqaalaha si ay ugu noqoto dhiiri galin shaqaalaha kala duwan si kuwa kalena ay ugu daydaan kuwa shaqo wanaaga muujiyey.

Mr. Ahmed Xasan Ibraahim ( Gudoomiye Xigeenka Komishanka Maamul-wanaagu) wuxuu aad ugu dheeraday muhiimada ay leedahay in saacadaha shaqada qaranka la ilaaliyo, waxaanu hoosta ka xariiqay hadii aan la shaqayn saacadaha u astaysan in loo shaqeeyo Qaranka aan la gaadhi Karin yoolka Hormarka Qaranka ee sadexaad ee ku salaysan 2030. Ugu dambayntii wuxuu hambalyo u diray Shaqaale Abaalmarinta la gudoonsiiyey ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbadaka Cimilada.