Guddoomiye Ku-xigeenka komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Axmed Xasan Ibrahim ayaa furay tobabar ay soo agaasintay Hay’adda EUCAP

Guddoomiye Ku-xigeenka komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Axmed Xasan Ibrahim ayaa furay tobabar ay soo agaasintay Hay’adda EUCAP oo ku saabsanaa Maaraynta Aqoonta (“knowledge management “).
Tababarkan ayaa la siinayey masuuliyiin iyo saraakiil ka kala socday, Wasaarada Arrimaha Gudaha JSL , Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland , Ciidanka Booliska JSL , Ciidanka Dab-demiska Somaliland , Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSL , Somaliland Immigration ,Ciidanka Ilaalada Badda iyo Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
Tababarkan ayaa socon doona muddo sadex cisho ah.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa ku booriyay Hay'adda EUCAP tobabarkan maaraynta aqoonta ee ay hay'addaha kala duwan ee dawliga ah u qabteen isla markaana tobabarkani uu wax weyn ka tarayo aqoonta xafiisyadda iyo kobcinta Maamul Wanaaga.
Waxaanu hoosta ka xariiqay in ay EUCAP joogtayso tobabaradda noocan oo kale ah komishan Maamul Wanaagg ahaana ay kala shaqayn doonaan sidii loo kobcin lahaa aqoonta maamul iyo maarayn ee hay'addaha dawladda.
Ugu dambayna waxa uu guddoomiye Ku xigeenku kula dardaarmay in ka soo qayb galayaasha Tobabarkani ay ka faa'idaystaan kuna dabaqaan aqoonta ay ka bartaan shaqoodada iyo xafiisyadooda si kor loogu qaado Hanaanka Maamul Wanaaga ee Shaqada, waxaanu uga mahad-celiyay EUCAP wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa Komishanka Maamul Wanaaga JSL.
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul Wanaaga JSL.