Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL oo Kulan kula Qaatay Xafiiska Komishanka Masuuliyiin ka socotay Accountability Lab.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL oo Kulan kula Qaatay Xafiiska Komishanka Masuuliyiin ka socotay Accountability Lab.
.............................................................................
Gudoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Md. Liban Ismail Burale oo ay wehelinayaan Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Md. Pro Axmed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Komishanka Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan ayaa xafiiska ku qaabilay Accountability Lab oo uu hogaaminayay Jaco Roets oo ah Global Programs and Learning Manager kaas oo ay wehelinayeen Sanjeeta Pant- Global Programs and Learning Manager, Deeq Osman- Country program Coordinator , Yasmin Geedi- Communication manager .
Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa hawsha ay qabato Accountability Lab oo ka shaqaysa dunida in ay muwaadiniintu bartaan ku dhaqanka Sharciga iyo Anshaxa siiba dadka dawladda u shaqeeya iyada oo wadamo badan ka shaqaysa oo ay Somaliland sanadkii labaad ka hawl galayso.
Falanqayn dheer, xog is dhaafsi iyo wada xaajoodo badan kulanku wuxuu ku soo afmeermay is fahan iyo in la iskaashado oo la xoojiyo wadashaqaynta ba .
Xafiiska Warbaahinta
Komishanka Maamul-Wanaaga JSL .
Website:
https://ggc.govsomaliland.org/
Twitter: https://twitter.com/SLNDGGC/status/1569643280505208834...