Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagg Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Dawladda Ee Madaxbanaan.

Dersidda iyo Qiimeynta Hanaanka Maamul Wanaagg Ee Wasaaraddaha Iyo Hay'addaha Dawladda Ee Madaxbanaan.
................................................................................
Komishanka Maamul Wanaaga oo sii wada Hawlgalladiisii qiimeynta iyo dersida Nidaamka Maamul wanaag ee hay’daha dawladda ayaa maanta kulan layeeshay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda . Kulan kan ayaa ibo fur u ahaa kormeer iyo Baadhis komishanka maamul wanaaggu ku dersayo hanaanka shaqo iyo adeeg bixineed ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Wasaaraddan ayaa noqonaysa , hay’addii 10aad ee dawli ah ee uu komishanku ku samaynayo baadhista iyo qiimaynta hanaankooda adeeg bixineed iyo maamulba.
Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul-wannaaga Prof Axmed Xasan Ibraahim oo ay weheliyaan Commissioner Cabdiqaadir, Agaasimaha Waaxda Maamul Wanaagga, Cabashooyinka iyo Shuruucda iyo Agaasimaha waaxda wacyigelinta ayaa kulankaas qayb ka ahaa.
Guddoomiye Xigeenka Komishanka Maamul Wannaaga Prof Axmed Xasan Ibraahim, ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, maamul iyo adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay'addaha dawladda.
Waxa kale oo Guddoomiye ku xigeen ku, xusay in qiimeyntani ay qayb ka tahay waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayo Komishanka Maamul-wannaagu, sida uu qeexayo qodobka 6-aad farqadiisa 2-aad ee Xeer Lr 58/2012 ee uu ku aasaasanyahay Komishanku.
Ugu danbayn Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H. Maaliyadda ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay hirgalin doonaan.
Xafiiska Wacyigalinta iyo Barashada Maamulka Guud ee Komishanka Maamul-Wanaaga Jsl.