LADAGAALANKA MUSUQMAASUQA

Komishanka Maamul Wanaaga  waa Komishan qaran oo xukuumadeed oo lagu dhisay wareegto madaxwayne tirsigeedu yahay 0048/08/2010. maalintay taariikhdu ahayd 26/8/2010.  Iyadoo uu baarlamaanka somaliland ansixiyey  xeerkiisa xeer lr 58/2012,  si uu komishanku u noqdo mid haysta  madaxbanaanidiisa.  Ayaa wuxuu u  xilsaaran yahay  toosinta gal-daloolooyinka maamulka ee hay’adaha dowlada  iyo  katala bixinta waxkasta oo bulshada dan u ah, hubinta  qaabka loogu fuliyo adeega bulshada si  ay u helaan  baahiyahooda,  xaqiijinta qaabka masuulku u gudanayo masuuliyadiisa.

 

Hadaba Waaxda ladagaalanka musuqmaasuqa oo ah lafdhabarta komishanka ayaa waxay u xilsaaran tahay cabashada bulshada, baadhitaanada iyo shuruucda. Faahfaahinta sadexdan qaybood  (3 section)  waxa ay qabtaan:-

Qaybta Cabashada: waxay qaabilsan tahay in ay eegto cabashada soo gaadha xafiiska tasoo sharciyaqaanka xafiiska iyo Agaasimaha waaxdu wada eegaan xadka ay gaadhsiisan tahay cabashadu hadii ay noqoto mid qofka ama dadka cabanaya loogu gaystay xad gudub waxa madaxda xafiiska iyo waaxduba Ka hawlgalaan xaqiiqo raadinteeda tasoo baadhitaano ay ka sameeyaan isagoo komishanku adeegsanaya xeerkiisa  Qodobka 6aad  farqadiisa 8aad   ee baadhista ku tagrifalka awooda maamul. Iyo Qodobkiisa 17aad  oo u dhigan baadhista xaqiijinta iyo warbixinada la xidhiidha tibaaxaha Maamul Xumo iyo wax iswaydaarinta. Komishanka waxaa cabashada lagala soo xidhiidhaa numberka 9449.

 

Qaybta Baadhitanada:  waaxda ladagaalanka musuqu waxay u xilsaaran tahay kormeerada dabagal tasoo raacda qodobka 6aad  farqadiisa 5aad   oo u dhigan sidan  baadhista iyo dabogalka galdaloolooyinka  maamul. Sidoo  kale qaybtan baadhitaanadu  waxay adeeg sataa qodobada  kor ku xusan ee qaybta koowaad kujira. hadaba qaybtan baadhitaanada  oo mihiim u ah qaranka iyo komishankaba ayaa waxay kormeero ka samaysaa hay’adaha dowlada iyo cabashada xafiiska soogaada wixii u baahan in baadhitaano xaqiiqo raadina lagu sameeyo. Tasoo u gudbisa madaxda komishanka waxa ka soo baxa hawgaladaa.

 

Qaybta Shuruucdu: Komishanku maaha sharcidajiye mana aha mid faafiya shuruucda balse isagoo raacaya xeerkiisa lr 58/12. qodobka 6aad farqadiisa 2aad ee ah Dersidda iyo qiimeynta nidaamka maamul ee Hay’adaha Dawladda iyo ka soo talo bixinta habka lagu toosinayo. ayaa qaybtani dhinaca sharciga ka eegta wixii habsami u socodka hay’adda caqabad ku ah taasoo talo bixino ka soo saarta ee dhinaca  shaqada hay’ad qabato iyo mandate hay’addi  sharci  u leedahay.

 

Waxa intaa u dheer waaxda in ay kormeero ka samayso saacadaka shaqada kasoo xeerka komishanku dhigayo 6aad  farqadiisa 9aad   ahna xaqiijinta in shaqaalugu guteen saacadihii loogu talo galay sidoo kalena ay bixiyeen adeegii bulshada ay u hayeen. Waxa sidoo kale ay waaxdu ka hawlgashaa xilwareejinada tasoo sugta hantida lala kala wareegay iyo in masuulku wax iswaydaariyay.